“Xidhiidhka Soomaaliya Iyo Jabuuti Wuxuu Sii Ahaan Doonaa Mid Xooggan” Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti
August 17, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka hadlay xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti oo todobaadyadii u dambeeyay uu mugdi galay, kaddib booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tagay Eritrea.
Dowladda Jabuuti ayaa niyad jab weyn ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara oo ahaa in baaq uu u jeediyay Qaramada Midoobey inay cunaqabateynta ka qaado Eritrea.