Xildhibaanno Guurti Ah Oo Doonaya In Golahadooda Dib Loogu Soo Celiyo Xeerka Kufsiga Oo Golaha Wakiillada Ansixiyey
August 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wakiilladu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, isla-markaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka.
Xildhibaannadan golaha Guurtida ayaa ku dooday in golahoodu awood u leeyahay inay ilaaliyaan Diinta, dhaqanka iyo nabadgalyada, hase-yeeshee xeerkan kufsiga lagu saleeyey dhaqankii reer Yurub.
Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilka-casse) oo xeerkan ka hadlaya waxa uu yidhi “Dastuurkeena waxa uu salkiisu yahay shareecada Islaamka, xeerkan Golaha Guurtida wuu soo maray waajibaadkiisa iyo tallo bixintiisa wuu ka gutay waxaanu ku saleeyey shareecad islaamka, goleyaashu uma shaqeeyaan hay’ado, laakiin waxay ku shaqeeyaan rabitaanka shareecadu islaamka, guurtidu markii uu xeerkan ka doodayey wuxuu iskugu keenay culimada iyo garsoorayaasha, kuwaas oo waafajisay shareecada islaamka, sidaas ayaa loogu celiyey golaha wakiilada, haddii uu wakiilladu wax ku beddel ku sameeyo waxa waajib ah in guurtida lagu soo celiyo (ee maaha in la ansixiyo)..”.