Puntland Oo Isku Abaabulaysa Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland Iyo Farriintii U Dambaysay Ee Garoowe Ka Soo Duushay
August 20, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ilaa hadda iska diyaarinaya Dagaal ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan Degmada Tuke-raq oo Ciidammada Milletariga Somaliland ka saareen 8 bilood ka hor.
Maamulka Puntland oo aaminsan in Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay dhulkooda ka mid yihiin, ayaa wacad ku maray inay dagaal ku soo qaadaan Ciidammada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ku leh duleedka Degmada Tuke-raq, waxayna meesha ka saareen in Wada-hadal nabadeed lagu dhameeyo Khilaafka khuseeya Xuduudka ee u dhexeeya Somaliland.