Madaxweyne Biixi Oo Lagala Hadlay Inuu Gacanta Dawladda Ku Soo Celiyo Shirkado Isaga Loo Tirinayo
August 21, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa loogu baaqay inuu wax ka qabto oo uu gacanta dawladda ku celiyo ama Sharciga waafajiyo Shirkadaha Shiidaal-baadhista iyo Macdan-baadhista ka wada somaliland oo Xukuumaddii hore Shirkado Shisheeye ku siishay Shirkado Ajaanib ah, Shirkadda Somcable ee Kootada loogu xidhay Internet-ka Badda hoosteeda mara, Shirkadaha Liisammada wadista Gaadiidka bixiya iyo Buugga Gaadiidka, Wersheddii Korontada ee Hargeysa, kuwaas iyo kuwo kale oo badan oo ku jira gacanta Ganacsato gaar ah.
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI