Magaalo Ka Tirsan Dalka Somaliya Oo Aan Maanta Laga Ciidin Iyo Sababta
August 21, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Iyada oo Maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo dhammaan duniga caalamka oo dhan looga wada dabaal dagayo munaasabada Ciida ayaa waxaa maanta aan laga Ciideyn Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dadka Degmada Warsheekh ayaa sheegay in maanta halkaasi aan laga dareemeen dabaal daga Ciidul Adxaa oo dadka ay yihiin kuwo sooman,isla markaan ay u tahay 9-ka Bisha (dul-xaji).
Shalay ayaa ku dhawaad labo malaayiin oo xujey muslimiin ah waxa ay istaageen Banka Carrafo,iyaga oo gudanayey mid kamid tiirarka islaamka.