Wiil Yar Oo Ku Guuleystay Inuu Jabsado Habka Ay Ku Shaqeyso Shirkadda Teleefanada Ee Apple !
August 21, 2018 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Wiil yar oo u dhashay Dalka Australia isla markaana ah arday wax ka barta Dugsiyada Dalkaasi ayaa waxa uu ku guuleystay inuu guda galo habka ay ku shaqayso shirkada Teleefanada Gacanta ee Apple.
Sida lagu baahiyay The Gardian oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay arrintan ayaa waxa si degdeg ah usoo fara galiyay Hay’adda dambi baadhista ee Dalkaasi Maraykanka FBI, kadib markii shirkada Apple u gudbisay qaabka ay arrintaasi u dhacday.