Daawo Muuqalka”Baarlamaanka DDSI Oo Xasaanadii Ka Qaadey Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Masuulyiin Kale
August 27, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Fadhi golaha baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku yeesheen magaalada Jigjiga maalintii shalay ayaa xasaannada lagala noqday 7 xubnood oo horay uga tirsanaa xisbiga tallada haya oo uu mid yahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.
Laakiin dhamaan lama wada shaacin magac-yada xubnahan xasaasannada lagala noqday, hasse ahaatee hogaamiyaha xisbiga taallada haya ee dowlad deegaanka Soomaaliya Ahmed Shide ayaa sheegay in shaqsiyaadkan laga saaray ka mid ahaan-shaha golaha iyo maamulka intaba la rumeysan yahay in ay ka danbeeyeen rabashadihii gobolka ka dhacay oo ay ku dhiteen boqolaalka ruux.