Somaliland Oo Dooneysa In Dawlada Sudan Ay Dhex Dhexaadiso Dalka Somaliya
August 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha Debadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa ka waramay kulan uu Xafiiskiisa kula yeeshay wafti ka socda Jaamacadda Afrika oo uu hoggaaminayayey Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacaddaasi Kamaal Maxamed Cubaydi.

Wasiir Sacad oo ka waramaya waxay ka wada hadleen ayaa yidhi ” Waxaanu ka wada hadalnay bal sidii hoos loogu eegi lahaa ardaydaa dhibaatooyinka haysta sidii wax looga qaban lahaa khaasatan xaga socdaalka marka ay timaado iyo sidii wax-yaabo kaleba aynu u wada qabsan lahayn maaddaama aynu nahay laba wadan oo Taariikh ahaan iyo dhaqan ahaan iyo dhinac walba iskaga xidhan oo isku dhaw , waxaan isla garanay bal in halkaa laga sii amba qaado sidii cilaaqaadka labada Dal iyo labada Dadba loo sii xoojin lahaa ..”