Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Saaka China Ku Kulmay yo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen+Daawo Sawiro
September 2, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo saaka ku kulmay magaalada Beijing ayaa ka wada hadlay ahmahiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.