Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Jawaabtay Caddaalad-darro Uu Ku Eedeeyay Maayarka Burco
September 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad , ayaa soo bandhigay cadaalad darada Goboloda Bariga ee Mashruuca horumarinta ee SDF, isaga oo sheegay in gobolada Galbeedka ay Mashruucaa qateen 74% halka Gobolada Bariga Somaliland ay mashruucaa hurumarinta SDF ka heleen 26%, taasi oo uu sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin. Maayarku waxa uu hore u sheegay in dhaqaalaha dalku isugu biyo shubtay degaanno gaar ah oo uu ku sheegay Berbera, Hargeysa badhkeed iyo Gabiley isaga oo sheegay in xeerka cashuuraha Barrigu dad gaar ah u danaynayo.
Maayar Murraad ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:-” Durba xan ayaanu maqlayna Mashruucaa SDF markii xagaa lagaga wada hadlayey Mashruucan Burco horta dib u yara dhiga ayaanu maqlaynaa , taa tii ka horeysayna 3-da Gobol ee galbeedka , Maayarka gobolada Bari ayaan annigu ahaye cidda aan u hadlaana had iyo jeer gobolada hadhay weeye ee goboladii Somaliland ka hadhay Saddex-da gobol ee Bariga ayaan u hadlaa 3-da Gobol ee Galbeedka boqolkiiba inta ay SDF ka qaateen saw maydaan akhiriyin imisa ayey ahayd 74% ayey saddex-da gobolada galbeedka, 3-daa gobol ee Barigana 26% ayey qaateen ayaa lagu soo ururiyey, taasi waan iska samirnay oo waan iska aamusnay, walaahi taa maanta u dul qaadan mayno mana suuroobeyso mashruuca Burco ee biyaha ku saabsan waa inuu kow noqdaa wax-yaabaha qaranka laga qabanayo ,taas uunbaanu 74%kii hore kaga samraynaa ” Ayuu yidhi Maayar Muraad