Dablay Hubaysan Oo Xalay Fiidkii Gaadhi Shirkadda Oomaar Leedahay Ka Afduubtay Magaalada Hargeysa + Ciidanka Booliska Oo Gurmad Galay
September 6, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gaadhi Waaraad ah oo ay Lahayd Shirkadda Ganacsiga ee OOMAAR Company (OMINCO) oo badeecad xamuul ah u qaadayay Magaalada Burco kana baxayay Magaalada Hargeysa ayaa xalay Fiidkii Abbaaro Salaaddii Maqrib kadib waxa koox dablay ah oo hubaysani ay ka afduubteen Agagaarka Huteel KAAH, Xaafadda New Hargeysa ee Magaalada Hargeysa.
Af-duubka gaadhigan oo aanu kala xidhiidhnay Masuul ka tirsan shirkadda Oomaar ayaa noo xaqiijiyey in gaadhigaasi Abbaaro Salaaddii Maqrib kadib ay koox aanay wali aqoonsani ka dhaceen Agagaarka Huteel Kaah ee Magaalada Hargeysa iyada oo uu wakhtigaasi gaadhiga la joogay Kirishboyga gaadhigu darawalkuna ka maqnaa isuna diyaariyay safar uu xamuul ugu siday Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.