Markab Itoobiya Oo Leedahay Ku Xidhay Dekedda Eratariya Iyo Raysal-Wasaare Abyi Axmed Oo Ku Sugan Asmara
September 6, 2018 - Written by Berbera Today
Asmara(Berberatoday.com)-Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa 20 sano kadib Maanta ku xidhay Dekedda Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wada-hadal la leh Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii July ee sannadkian kala saxeexdeen in la soo afjaro colaaddii dhex taalay labada dal, waxaana muuqda in Itoobiya iyo Eritrea ay sidii hore iskaga soo dhawaanayaan.
Booqashadan uu Abiy Ahmed ku tagay Asmara waxaa ay noqoneysaa tii labaad tan iyo markii ay kala saxeexdeen labada dowladood heshiiska.