Maxkamad Ku Taalla Dalka Ingiriiska Oo Jabuuti Ku Amartay In Aanay Ka Bixin Heshiiskii Ay La Gashay Dp-World
September 7, 2018 - Written by Berbera Today
UK(Berberatoday.com)-Maxkamadda sare ee England Iyo Wales ayaa go’aan ay ka soo saartay khilaafka u dhexeeya Jabuuti iyo Dp-World, waxay ku amartay hay’adda marsooyinka dalka Jabuuti inay joojiso inay ka baxdo heshiiskii hore u dhexeeyey shirkadda DP World.
Maxkamadda sare ee England iyo Wales ayaa waxa kale oo ay ka hor istaagtay hay’adda marsooyinka Jabuuti in ay erido Agaasimeyaasha terminalka kontaynarrada ee Dooraale.
Maxkamaddu waxaanay ku amartay hay’adda marsooyinka Jabuuti ee magaceeda loo soo gaabiyo PDSA in aanay wax faro-gelin ah ku samayn maamulka terminalka kontaynarrada ee Dooraale ilaa iyo amar dheeraad ah uu maxkamadda ka soo baxo, amase maxkamadda dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay London ay xal ka gaadho khilaafkani.