Daawo Muuqalka”Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Oo Ku Baaqay Inay Dhalinyaradu Tahriibaan Iyo Jawaabta Xisbiyada Mucaaradka
September 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa wax laga xumaado iyo niyad-jebin badheedh ah ku tilmaamay Hadal ka soo yeedhay Agaasimaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile oo Ardayda Jaamacadda Burco ka qalin-jebisay Xafladdooda ka qaybgalay shalay, isla markaana hadal uu halkaas ka jeediyey ugu soo jeediyey inay Dalka dibeddiisa u shaqo doontaan oo aanay dalka gudihiisa keliya wax ku sugin.
Waxay Masuuliyiinta u hadlay UCID iyo Waddani, ku tilmaameen hadalkaas Agaasime Bile mid aan la aqbali karin inuu dalka ka tahriiba yidhaahdo Dhalinyarada waxbaratay, iyada oo uu toddobaadkii horena Madaxweynuhu shaaciyey inay Xukuumaddiisu shaqo-abuur ballaadhan u samaynayso Dhalinyarada.