Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Udiray Hambalyo La Xidhiidha Curashada Sanadka Cusub Ee Islaamka 1440
September 10, 2018 - Written by Berbera Today
DHAMBAAL HAMBALYO AH
Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1440-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1440-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.