Madaxweynaha Eretria Oo Maanta Ka Soo Muuqan Doona Goob Aan Muddo Lagu Arkin + Waa Halkee
September 12, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawlada Eritrea ayaa hadda umuuqata in ay soo ceshaneyso xubin-nimadii Urur gobolleedka IGAD, iyadoo maantamadaxweyne Isaias Afwerki uu ka soo muuqan doono shirka Ururkan uga furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirka ayaa sidoo kala lagu wadaa in lagu ansixiyo si rasmi ah xubin-nimada Eritrea iyadoo dhanka kalana lagu gurfeyn doono isbadalka iyo dadaallada nabadeed ee guud ahaanba ka socda wadamada Geeska Africa.