Sarkaal Kasoo Goostay Jabhadii Caare Soona Celiyay Gaadhigii Ambalaceka Ahaa Ee Jabhadaasi Dhacday
September 12, 2018 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Sarkaal Jamaal Baaxad oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland dhowaana ku biiray jabhadda uu hogaamiyo Kornayl Caarre ayaa soo gaadhey degmada KULMIYE oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Sarkaalkan oo la sheegaayo in uu wato dhawr askari iyo gawaadhi ciidan ayaa degmadaasi soo gaadhey ,
Waxaana gaadiidka uu wato kamid ah gaadhigii Caafimaadka degmadda Xiis oo ay jabhaddaasi dhowaan afduubatay, iyada oo ay wararka qaarkood sheegayaan in uu gaadhigaasi soo celiyey Kornaylku, halka kuwo kalena sheegayaan in uu kazoo goostay jabhadda Caarre kuna soo waajahan yahay magaalada Ceerigaabo.