Wasaarada Deegaanka Oo Ka Hadashay Dhul Daaqsimeed Kuyaala Deegaamada Adhi Cadeye Iyo Xeedho Oo katirsan Gobolka Saaxil
September 12, 2018 - Written by Berbera Today
Adhi-caddeeye(Berberatodayu.com)-Odayaasha Deegaannada Xeedho iyo Adhi-caddeeye oo ka tirsan gobolka Saaxil, ayaa cabasho ka muujiyey Dhul-boob ay sheegeen inuu halkaas ka socdo oo loo xidhayo Ganacsato iyo Dad Dhul-doon ah, waxaana arrintaas ka hadlay oo goobtaa booqasho ku tegay Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Saaxil Anwar Xasan Ibraahin oo ballan-qaaday inay Wasaarad ahaan tallaabo ka qaadi doonaan arrintaas.
Isu-duwe Anwar waxa uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Dadka wada dhul-boobka, iyaga oo la kaashanaya Maamulka gobolka, Odayaasha iyo Dadka Deegaannada Xeedho iyo Adhi-caddays ee gobolka Saaxil, waxaanu sheegay inuu kormeerkooda ku arkeen Cagafyo la geliyey Deegaannada qaar iyo Dhul Xoolo-daaqeen ah oo Dayrar lagu xidhay.