Daawo Muuqalka”Aataarta Qaddiimka Ah Ee Waqooyiga Hargeysa (Dhagax-kuure) Oo Barnaamij Laga Diyaariyey
September 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij ku saabsan Aataarta Qaddiimka ee Deegaanka Dhagax-kuure oo 30KM dhanja Waqooyi-galbeed ka xiga Magaalada Hargeysa.

Aataarta Qaddiimka ee Deegaanka Dhagax-kuure ayaa Buuro u eg Guryo ay geli jireen Dad ka hor boqollaal Sannadood, waxaana Gidaarrada Godadka Buuraha ka hooseeya laga arki karaa Sawirro loo malayn karo inay yihiin Xoolihii ay Dhaqan-jireen Dadkaasi.