Banka Dhexe Ee Somaliland Oo Aan Wali Xal Uhelin Sicir Bararka Dalka Aafeeyay Iyo Sarifka Lacaga Qalaad Ee Kor Usii Kacaya
September 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa noqday mid ku fashilmay la tacaalida Sicir bararka aafeeyey bulshadda reer Somaliland
, iyada oo uu maalinba maalinta ka dambaysa kor usii kacaayo Sicir Bararku.
Guddoomiyaha cusub ee Baanka Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaan ilaa hadda waxba ka qaban fashilaadaha dul hoganaaya Baanka dhexe ee Somaliland, kaas oo gebi ahaanba ku fashilmay in uu dalka iyo dadkaba ugu shaqeeyo sidii Baan ugu shaqayn jiray.