Cornayl Jaamal Baaxad Oo Hadlay , Beeniyey-na Inuu Jabhada Caare Ka Soo Goostey Dawlada Somaliland Isu Soo Dhiibayo
September 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cornayl Jamaal Ducaale Baaxad oo ka mid ahaa saraakiishii dhawaan ka goostey ciidanka Somaliland eek u biiray jabhada Taliye Caare oo ay maalmihii ugu danbeeyey warbaahintu qoreysay inuu Somaliland dib ugu soo noqaanyo ayaa arintaasi si adag u beeniyey
Korneylka ayaa sheegay in uu hada ku sugan yahay meel 30 Km u Jirta Ceerigaabo isla markaana uu galaayo buurlayada Waqooyi oo uu saldhig kale jabhada uga sameynaayo Somaliland aanu u soo sicinin ilaa inta la saxaayo cadaalad darada ay tabanayaan waa sida uu hadalka u dhigaye