“Lacagta Wasiirku Sheegay In Lagu Beddelayo Taarikada Gaadiidka Sharciyan Iyo Caqliyan Midna Sax Kuma Aha..” Guuleed-Daafac”Daawo Muuqal
September 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed-Daafac) oo ah Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqda Aadamaha Madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa naqdiyey Wareegto uu 13-kii bishan oo Khamiistii shalay ku beegnayd soo saaray Wasiirka horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo lagu sheegay in Lacag Boqol Doollar iyo wax ku dhaw lagu beddelayo Bilaydh Lambarka Baabuurta kala duwan ee Somaliland lagu wato, iyada oo Bilaydho Cusub la soo saaray.
TAARIKADA CUSUB EE GAADIIDKA SOMALILAND OO LACAG LAGU BEDDELAYO 2018