Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaado-Sharaf Guddoonsiiyey Saraakiil Ciidamada Qaranka Ka Tirsan+Daawo Sawirada
September 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com0-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shahaado-sharafyo ku maamuusay lix sarkaal oo kasoo qalin-jabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), taliyaha ciidamada qaranka sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyey lix sarkaal oo dhawaan waxbarashada heerka sare ee jaamacadda kasoo bartay dalalka dibadda, islamarkaana ay tiro kamid ahi billado dahab ah ku mutuysteen kaalmo sare oo ay galeen.