Daawo Muuqalka”Masuuliyiinta Uhadlay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Shacabka Somaliland Ugu Baaqay Inaanay Qaadan Labarada Gaadiid Ee Cusub Iyo Sababtoo Ay Ucuskadeen Lacagta Lagu Bixiyo
September 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa ku Baaqay inaanay Shacabka Somaliland aqbalin bixinta Lacagta Lixdanka Doollar ah ee u dhiganta Lixda Boqol ee Kun ee Lacagta dalka ah ee uu Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi Sheegay in laga qaadayo Baabuurta afarta Taayir leh oo laga beddelayo Taarikada ama Bileydh-lambarka.
ucid-iyo-waddani