Dowladda Soomaaliya iyo ICAO oo Go’aanno Cusub isla Qaatay iyo Dakhliga Hawada oo Kordhay
September 16, 2018 - Written by Berbera Today
Canada(Berberatoday.com)-Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Hawada ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad, ayaa ka warbixiyey go’aanno ay isla qaateen Hay’adda Hawada u qaabbilsan Dunida ee ICAO oo Maamusha Hawada Soomaaliya oo ay Dawladda Soomaaliya sheegtay inay kala wareegtay Maamulka Hawada, halka ay immika isla eegayaan Mashaariicda ay u hayeen Soomaaliya iyo sidii la xisaabtan dhammaystiran, dib u eegis iyo heshiis kama dambays ah ay isula gaadhi lahaayeen labada dhinac.