Itoobiya Oo Sheegtay Inay Dileen 70 Xubnood Oo Al-Shabaab Ah Iyo Goobta Ay Ku Dileen
September 16, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in duqeyn cirka oo ay ciidamadeeda ka fuliyeen meel ka mid ah Soomaaliya ay ku dileen ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabab.

Warkan oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ethiopia taageerta ee Fana ee fadhigeeduyahay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ciidamada Ethiopia u fuliyeen si ay u fashiliyaan weerar ay al-shabab qorsheynaysayinay ku qaadaan guutada ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, ee AMISOM.