|
berberatoday.com
USA: Shirkad Magdhow Siisay Shaqaale ay Soomaali Ku Jirto
September 16, 2018 - Written by Berbera Today
Lacagtan ayaa la siinaya shaqaale Muslimiin ah oo Soomaali u badan, kuwaas oo dacwad ku soo oogay shirkaddaasi. Shaqaalahan ayaa ka cawday in shirkaddu ay u diiday inay salaadda tukadaan, taas oo keentay in shaqaalahaasi oo u badnaa Soomaali ay ka tagaan shaqada. Guddiga dalkan Maraykanka u qaabilsan sinnaanta fursadaha shaqada ayaa ku dhawaaqay heshiiskan oo ku soo beegmaya iyada oo dacwaddan ay soo jiitamaysay muddo dhowr sano ah. Dacwaddan ayaa u dhaxaysay shirkadda hilibka ee Cargill iyo shaqaale Muslimiin ah oo tiradooda lagu sheegay boqol iyo siddeed iyo soddon qof.
Berberatoday.com COMMENTS
|
||||
|
|
|||||