Guddoomiyaha Jabhadda Oromada Ee OLF Oo Ethiopia Soo Gaadhey Iyo Qaabkii Loo Soo Dhaweeyey
September 17, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Jabhadda u dagaalanta xoriyadda Qoomiyadda Oromadda dalka Ethiopia ee la yidhaahdo Oromo Liberation Front ( OLF ) ayaa dalka Ethiopia oo uu muddo laba Qarni ah mastaafuris kaga maqnaa kusoo laabtay.
Waxaana madaarka Bole International kusoo dhoweeyey wafti sare oo ka tirsan dawladda Ethiopia, iyada oo ay sidoo kalena soo dhoweeyeen kumanaan kun oo taageereyaasha OLF ka tirsan, kuwaas oo isugu soo baxay fagaaraha Meskel Square ee magaaladda Addis Ababa.