Daawo Muuqalka”Maxaabiis Waxku Baratay Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Oo Abaal-marino La Gudoonsiiyay
September 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa bartamaha xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa maanta lagu qabtay munaasibad balaadhan oo abaalmarino lagu gudoonsiinayay 115 Maxbuus oo casharo kala duwan lagu siinayay xabsigaasi.
Munaasibadan abaalmarinta lagu gudoonsiinayay ardayda maxaabiista ah ee waxka baratay xabsiga dhexe ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada Cadaalada Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Xasan Cali Cawad Taliyaha Xabsiga dhexe Hargeysa Gaashaanle sare Cumar Jaamac Cumar.