Xildhibaanno Xaaraan Ku Tilmaamay Lacagta Wasiirka Maaliyaddu Ku Beddelayo Bileydhada Labarada Baaburta
September 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Aftahannews)- Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ay si adag uga hadleen tacriifad ay Wasaarka Maaliyaddu sheegay in lagu beddeli doono Taarikadii hore ee Gaadiidka dalka hore u joogay oo midkiiba lagu beddelayo Lix Boqol oo kun oo Shilinka Somaliland ah, halka kuwa cusubna laga qaadi doono Lacag Hal Milyan ah.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) oo ka mid ah Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxay arrin sharciga baalmarsan iyo xaraan ay ku tilmaameen Lacagtaas.