Madaxweyne Geele Iyo Madaxweyne Afawerki Oo Xalay Is Gacan Qaaday
September 18, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa xalay gacan qaad taariikhi ahi uu dhex maray madaxweynayaasha dalalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Ereteriya Issias Afawerki.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga, waxa ka soo shaqeeyay boqorka dalka Sucuudiga, waxaanu kulankoodan xalay noqday mid taariikhi ahi oo jid nabadeed u jeexaya colaadda gobalka Geeska Afrika ragaadisay, iyadoo ay muddo 10 sannadood ah dagaal isku horfadhiyeen ciidamada labadan dawladood oo uu ka dhexeeyo khilaaf xuduudeed.