Maraykanka Oo Canshuuro Hor Leh Ku Rogay Alaabada Shiinaha
September 18, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Dalka Maraykanka ayaa canshuuro cusub ku soo rogay badeecadaha Shiinaha looga soo dhoofiyo oo qiimaheeda lagu sheegay 200 oo bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Canshuurahaas ayaa dhaqan gali doono qaybaha dambe ee bishan iyada oo 10% lagu kordhinayo, balse haddii Shiinuhu uu aarsado waxaa lagu kordhin doonaa 25%.
Waa middii ugu baaxad waynayd canshuurihii uu Maraykanku ku soo rogayay Shiinaha, si kastaba ha ahaatee canshuuraha la saaray waxyaabaha qaaliga ah sida saacadaha ayaa laga yaabaa in ay saamayso shirkadda Tiknoolajiyadda ee Apple oo dalka Maraykanka laga leeyahay.