Mexico: Meydadka Lix Qof Oo Kurka Laga Jaray Oo Meel Wado Ah Laga Helay !
September 18, 2018 - Written by Berbera Today
Mexico(Berberatoday.com)-Ciidammada Gobolka Sonora ee Waqooyiga Dalka Mexico ayaa waxay shaaciyeen inay heleen meydadka lix qof oo kurka laga jaray.
Masuul ka tirsan ciidammadaasi oo magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in lagu soo war galiyay in meydadkaasi ay yaalaan Meel wado ah isla markaana lagu riday tallaagad lana dhigay halkaasi, dilkani aadka u foosha xun ayaa la filayaa inay ka dambeeyaan Maafiyada ka ganacsata daroogada oo ay xukuumadda Dalkaasi Dagaal Ba’an kula jirto.
Dhacdooyinka noocan oo kala ah ayaa aad ugu yar Gobolka Sonora waxaanay ciidammadu sheegeen in ilaa iyo haatan la ogeyn ciidan falkaasi geysatay, ciidammada Bileyska ayaa waxay farta aad ugu fiiqayaan budhcadaasi waxaana had iyo jeer kooxaha ka ganacsada Daroogadu ay qudha ka jaraan cid kasta oo ay u arkaan inay tartan kula jiraan amase u adeegaya Dawladda iyo ciidammada la dagaalama