Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Qaybo Kamida Dugsiga Maxamuud Axmed Cali Oo La Iibiyey
September 19, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Proffesor Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa warqad uu soo saaray uga digay maamulka dawladda Hoose ee Hargeysa in ay dhismaha Dugsiga Maxamuud Axmed Cali u isticmaalaan sifo sharciga ka baxsan .
Wasiirka ayaa warqadiisa ku cadeeyey in uu u ogolaaday in Ciidamada Dab Damisku isticmaalaan dhismena ka dhistaan qaybo kamid ah dugsigaasi, laakiin uu ogaadeyn in siyaalo sharciga ka baxsan loo isticmaalaayo, iyada oo laga dhisaayo Dukaano gaar loo lee yahay.