Soomaali Badan Oo Jejabiyey Falaasadahoodii Shaaha, Ka Dib Markii Lagu Arkay Kiniin Gudahooda Ku Jira
September 21, 2018 - Written by Berbera Today
Kenya(Berberatoday.com)-Soomaalida ku xidhiidhta baraha bulshada ee Internet-ka ayaa si aad ah iskula wadaagayay muuqaallo ay ku burburinayaan Falaasadaha shaaha iyagoo sheegaya in ay ku jiraan saddex Xabbo oo Kiniin ah, kiniinkaasi oo ay sheegayaan in laga qaado cudurka Kansarka iyo cudurro kale oo halis ah.
Dadka qaar ayaa jejibiyay tFalaasadahoodii Shaaha, iyagoo muuqaallo iska duubaya kaddibna soo dhigay baraha bulshada, dadkaasi ayaa badankooda ku nool gobolka Soomaalida ay degto ee waqooyi bari Kenya.
Wasiirka wasaarada caafimaadka ee Ismaamulka Garissa Axmed Nadir Cumar oo BBC la hadlay ayaa sheegay inayna jirin wax cudur ah oo laga qaadaayo Falaasadaha.