Dablay Hubaysan Oo Gabadh Ku Dhex Toogtay Gudaha Fasalka Jaamacaddii Ay Wax ka Baraneysay Magaalada Muqdisho. M
September 22, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Kooxo hubeysan ayaa duhur-nimadii maanta gudaha Jaamacada UNISO ku dhax toogtay gabadh Ardey aheyd oo lagu magacaabi jiray Aamina Xusseen Xassan gudaha fasalkii ay wax ka Baraneysay.
Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in dableyda toogashada u geysatay gabadhan oo u muuqday kuwo hayay xog dhameystiran si toosa u abaareen fasalkeeda iyaga markii ay toogeen kaddib si nabad ah uga tagay goobta.
