Caasimadda Canada Oo Ay Soo Foodsaartay Laydha La’aani Iyo Sababta Keentay
September 23, 2018 - Written by Berbera Today
Canada(Berberatoday.com)-Ilaa 200,000 oo guri ayaa laydh la’aani soo food saartay caasimadda dalka Canada ee Ottowa , iyada oo ay dadku cabsi badan qabaan.
Laydh la’aantan ayay sababtay Duufaanta Cyclone oo markii labaad ku dhufatay magaaladdaasi, waxaanay dumisay guryo badan , halka ay kuwo badana ka qaaday jiingadii sare.
Dufaantan ayaa wadata dabay aad u awood badan, taas oo uu Maayirka caasimadda Ottawa sheegay in ay sii socon doonto maalmo dhawr ah , waxaanu Mr Jimc Watson oo maayirka magaaladdaasi ahi sheegay in ay ilaa lix qof ku dhaawacmeen dufaantaasi.