Dalladda Nagaad Maxay Ka Tidhi Doorka Xeerka Kufsiga Iyo Doodda Culimadu Xaaraanta Kaga Dhigeen?
September 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalladda Ururrada Haweenka Somaliland ee Nagaad, ayaa difaacday Xeerka Kufsiga iyo Tacaddiyada Jinsiga ee Somaliland, Xeerkaas oo Buuq iyo Muran dhaliyey, isla markaana ay Culimadu diidmo kala horyimaaddeen, ayuu dhawaan dhaqangelkiisa qalinka ku duugay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay Golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu ansixiyeen bishii hore.