Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Shalay Dhex Maray Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Ciidanka Uu Watey Korneyl Jamaal Baaxad .
September 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada qaranka Somaliland ayaa shalay Weerar ku qaaday ciidamada uu Watey Korneyl Gamaal Baaxad oo hore uga tirsanaa ciidamada qarankaisla markaana sheegay in uu ku biiray jabhada uu hogaamiye Korneyl Caare .
Ilaa hada ma jiraan war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo ka soo baxay labada dhinac balse sida ila Wareeedyo lagu kalsoon yahay u sheegen wargeyska Waabari shalay Duhur nimadii ayaa ciidamada Qaranka Somaliland weerar ku qaadeen Jabhada uu wato Korneyl Gamaal Baaxad oo ku sugan Buuraleyda Haldhaadan oo 35 Km dhinaca Waqooyi bari kaga began Magaalada Ceerigaabo .