Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Xukuumadda Iyo Golayaasha Sharci Dejinta Ugu Baaqay In Aan La Soo Sixin Xeerka Kufsiga Ee Daaqadda Laga Tuuro
September 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland ee sida qaalibka ah ka hadla hadla wadciga iyo xaaladda markaa taagan bulshadana ku guubaabiya wixii dantoodu ku jirto ayaa si adag u dhaliilay Golayaasha sharci-dejinta iyo xukuumadda ee baas gareeyey xeerka Kufsiga iyo tacadiyada Jinsiga ah oo uu ku tilmaamay nasiib darro innagu dhacday oo innagu keeni karta cadho ILAAHAY SWT, halka uu Golayaasha labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida ugu baaqay in ay meesha banneeyaan oo umadda ka hor dhaqaaqaan haddiiba ay masuuliyadda darrada intaasi le’eg ku kacayaan.