Waddada Laamiga Ah Ee U Dhexeeysa Ceerigaabo Iyo Ceel-Afweyn Oo Xadhiga Laga Jaray Iyo inta KM Ee Ay Tahay
September 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa maanta si rasmi ah loo furay waddada wayn ee u dhexeeysa magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ee Jahmuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Waddadan laamiga ah oo dheereerkeedu yahay 86 kilomitar waxaa xariga ka jaray maanta wasiirka wasaaradda gaadidka iyo horumarinta waddooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor.