Wafti Ka Socda Dalka Sacuudiga Oo Somaliland Soo Gaadhay Iyo Masuulka Weftiga Hogaaminaaya Oo Ah General Ciidan+Ujeedada Socdaalkoda
September 26, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.comn)-Warar hordhaca oo aan Helyno ayaa sheegaaya in uu dalka soo gaadhay wafti balaadhan oo ka socda ama yimid dalka Sucuudiga, waftigaasi oo ay wararku sheegayaan in uu hogaaminaayo Major General Ahmad Hassan Mohammad Asiri oo aha la taliyaha wasiirka gaashaandhiga ee dalka Sucuudiga isla markaasina ah ku xigeenka arimaha sirdoonka ee dalkaasi.
Major General Ahmad Hassan Mohammad Asiri ayaa sidoo kale ah afhayeenka xulafada uu Sucuudigu hogaaminaayo ee weerarka ku qaaday dalka Yemen, masuulkani oo aan imaatinkiisa ayna ilaa hada ka hadal xukumadda Somaliland hadana waxa ay wararku sheegayaan in si heer sare ah loogu qaabilay madaxtooyada Somaliland isla markaasina ay waftigaasi Sucuudiga ahi ay aad uga mahada naqeen sida walaaltinimada ah ee loo soo dhaweeyay.