Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Ka Hadlay Isfahamka Dhex Maray Djibouti Iyo Ereteriya Iyo Mustaqbalka Xidhiidhka Labada Wadan
September 28, 2018 - Written by Berbera Today
Riyaad(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sheegay in Djibouti iyo Ereteriya gaadheen isfaham guud oo lagu dejinayo xaaladii adkayd ee labada wadan u dhaxaysay mudada dheer.

Madaxweyne Geele oo u waramay wargeyska Al Sharqal aawsat ee dalka Sucuudiga, wuxuu sheegay inuu isfahamka labadan wadan ka shaqeeyay boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, oo uu sheegay inuu sidoo kale sabab u ahaa heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya, “Waanu soo dhawaynaynaa heshiiska oo bilow u noqonaya aasaaska isfaham iyo nabad waarta oo labada wadan ka dhex dhalata oo boggii colaadaha ee labada wadan bedela. Waanu taageersanahay waanan bogaadinaynaa bilowga uu sameeyay boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis.” ayuu yidhi, madaxweyne Geele, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu sidoo kale qirsanahay in dedaalkan deeqsinimada leh ee Sucuudi Carabiya aanu ahayn oo keliya balanqaad uu ku caawinayo nabadda iyo degenaanshaha Geeska Afrika, ee laakiin uu sababay in nabad waarta laga dhex dhaliyo wadamada Itoobiya iyo Ereteriya oo si caalami ah faa’iido u leh, taas oo xaqiijinaysa in boqortoyada Sucuudigu ka mid tahay tiirarka nabadda, ammaanka iyo degenaanshaha gobalka iyo dunidaba.”