Unicef Oo Xafiiskeedii Nayrobi U Soo Rartay Muqdisho iyo Hay’adaha Kale Oo Sheegay Inaanay Haysan Cid Ammaankooda Damaanad Qaada
September 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF, ayaa noqotay hay’adii u horaysay ee fulisay amar cago-juglayn ah oo ay dawladda Soomaaliya u dirtay hay’adaha uu fadhigoodu yahay Nayrobi, Kenya oo ay ka dalbatay inay xarumahooda u raraan magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
