Xukuumadda Somaliland Oo Dhagax-dhigtay Dhismaha Cisbitaal Gaar U Ah Ciidammada Qalabka Sida Ee Somaliland
September 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Horumarinta Maaliyada iyo taliyaha Ciidanka Qaranka oo si wada jir ah u dhagax dhigay cisbitaalka ciidamada oo saaka si rasmi ah loo dhagax dhigay kaasi oo noqon doona mid wax weyn ka taraya baahiyaha xaga caafimaad ee ciidamadka qaranka.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaacil Taani oo ku dheeraaday u baahida loo qabo in la kor-dhiyo cisbitaalka ciidanka qaranka oo ah mid wax badan ka taraya kor u qaadida xaaladaha caafimaad ee ciidanka qaranka waxaanu xusay in ay ka ciidan ahaan soo dhawaynayaan cisbitaalkan cusub ee maanta la dhagax dhigayo.