Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wasiiradiisa Faray Amar Culus Oo Joog Iyo Jiifba Udiiday”Akhriso
September 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu dhawaan shirka Golaha Wasiirrada ee Khamiislaha ah xubnaha Golihiisa wasiirrada ku amray in ay degdeg u soo gudbiyaan war-bixin dhammays tiran oo la xidhiidha wax-qabadkoodii mudadii ay xilka hayeen.
Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah oo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Madaxweynuhu xubnaha Golihiisa Wasiirrada ku war-geliyey in ay soo gudbiyaan wax-qabadkii mudadii ay xilka hayeen taasi oo markiiba keentay in qaar ka mid ah Golaha wasiirradu safarro kormeer iyo shaqo ah ku gaalaa bixiyaan degmooyinka iyo Gobollada dalka.