Warbaahinta Indian Ocean Oo Qortay In Wada Hadal Qarsoodi Ahi Dhex Maray Wasiirada Maaliyadda Ee Somaliland Iyo Ka Somaliya
September 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Majalada caalamiga ah ee Indian Ocean ee dalka Faransiiska ayaa cadadkeedii u dambeeyay ee Jimcihii waxay daabacday warbixin ay ku sheegtay in wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi uu wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay dhigiisa Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo masuuliyiin kale oo ka trisan madaxda dawladda Soomaaliya.
Warbixintan oo uu beeniyay wasiirka maalilyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa waxay sheegtay inaanu Madaxweyne Biixi ka warqabin wada hadaladaas oo ay Indian Ocean News ku tilmaantay “Suurtagalnimada in la iswaafajiyo dakhligooda cashuurta iyo qaabdhismeedka nidaamkooda maaliyadeed si loo buuxiyo shuruudaha baanka adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF) iyo si ay dib ugu qiimeeyaan deymahooda iyo siinta deymaha.” Ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay “Hindisahani waxa uu dawladda Federaalka Soomaaliya u ogolaanayaa in ay qayb deyntaas ka mid ah u cayinto/siiso Somaliland, laakiin waxaa ku xidhan shardi ah in marka hore heshiis adag oo siyaasi ah la gaadho (Soomaaliya iyo Somaliland).”