Akhriso Qisada Wiil Yar Oo Hooyadii Oo War Talefishan Toos Ugu Jirta Xaalad Khajilaad Ah Geyeysiiyey –
October 2, 2018 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Wiil ay dhashay warfidiyeenadda caanka ah ee Giuliana Rancic ayaa mar keliya dareenka warbaahinta adduunka oo dhan soo jiitay kaddib markii uu si kadis ah u soo galay gudaha istuudyaha talefishanka xilli hawada si toos ah looga daawanayey. Giuliana Rancic ayaa wiilkeeda oo lix sano jir ah u soo kaxaysatay shaqada, xilli ay ku qornayd in ay baahiso wararka talefishanka ay ka tirsan tahay ee E! News habeennimadii bishan sagaalaad ay 20 ahayd. Iyada oo Giuliana iyo warfidiyeenkii shaqada kula jiray oo ahaa Jason Kennedy. Goor Giuliana iyo Jason ay ku guda jiraan jeedinta wararka, gaar ahaan mar ay si toos ah hawada ugu jirtay haweenayda jilaaga filimada ee caanka ah Jennifer Lawrence oo u dhalatay dalka Maraykanka.