Haweenay Fasax La,aan Tilifoonkii Ninkeeda Fiirsasho Iyo Baadhis Ku Samaysay Oo Sadex Bilood Xabsiya Lagu Xukumay
October 3, 2018 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com0-Maxkamad ku taala dalka isuataga Imaaraatka Carabta UAE ayaa xabsi saddex bilood ah ku xukuntay haweeneey amar la’aan fiirisay taleefoonka ninkeeda oo ay ka hoos qaaday xili uu hurday sida lagu sheegay warbixin lagu baahiyay baraha bulshada.
Haweenaydan ayaa waxa uu ninkeedii ku dacweeyey in iyada oo aan fasax ka haysan u dhaadhacday sirihiisa iyo ashkhaastiisa u gaarka aheyd ee Tellfoonkiisa ugu Keydsanaa waxaana lagu fuliyay sharci uyaala ruuxa talaabadaas qaada oo ka Jira Dalal kamida Caalamka.