Safiiradda Dalalka Denmarka Iyo Holland Oo Ku Baaqay In Deg Deg La Isugu Keeno Madaxda Somaliland Iyo Soomaaliya, Dibna Loo Bilaabo Wada Hadaladii
October 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirada dalalka Denmark iyo Holland u jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaalida, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka galay.
